Sunday, September 10, 2017

Sheekadii dhex martay bajaajle iyo guddoomiye Thaabit


Image may contain: 1 person, standing, car and outdoor
Waxa ay ahayd xilli hore oo saakay gudoomiyaha gobolka Benaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho waxa uu yimid xafiiska shaqada ee gobolka.
Waxaa jadwalka shaqo ugu jirtay in saaka uu soo dhagax dhigo wadadda Jeneraal Daa’uud oo dhexmarta degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda.
Si lama filaan ah ayuu gudoomiyaha ugu gacan haatiyey Mooto Bajaaj, isaga oo doonayo in ay ka qaado xarunta gobolka Benaadir ayna geyso Wadadda Jeneraal Daa’uud.
Xubnihii kale ee la socday waxa uu ku war galiyay in uu raacayo mooto bajaaj si uu ula sii sheekaysto wadaha bajaajta uuna ku gaarayo halka uu ka dhagax dhigayo wadadda.
Markiiba waxa uu soo raacay bajaajta wadihii Bajaajta ayaa yiri ‘Ninyahow hal su’aal maku weydiiya, adoo raali ah.’?
Gudoomiyaha oo xiligaa aan qiyaasi karin su’aasha la waydiin doono ayaa yir ‘Haa maxaa diidayo, I weydii?’
Bajaajlihii ayaa yiri ‘Soo ma tihid Inankii gobolka Mayorka ka ahaa ee Bil ka hor inoogu yimid KM4 xilli aan ku banaan baxaynay’?
Gudoomiyaha oo dhoolla cadaynayo ayaa yiri ‘ hadalkaan aad I tiri dhowr jeer ayaa la I yiri, in aan isku egnahay ayaan qiyaasaya’
Bajaajlihii ayaa yiri ‘Gudoomiye uma ekidee, waa adigii in an kuu mahad celiyo ayaan rabay’
Gudoomiye Thabit ‘Waa anigii, ha ii mahad celin wax walba oo an qabtay waa waajib I saaran, sababtoo ah aniga ayaa soo doortay, in an idin shaqeeyo waxa aad ii sheegta wax ka dhiman howlaha aan hayo oo gobolka Benaadir, iyo shaqooyinkiina ma jiraan?’
Bajaajlihii ‘Inta aanan wax dhiman ka hadlin, horta maalinkii aad inoo imaanaysa oo an dibadbaxa dhigaynay dhowr maalin ma shaqeyn, waxaa culays inaga haystay wadooyinka maristooda oo naloo diidayay, waxaa inoo sii dheereed in an canshuurta aan bixino aynan heli jirin waxqabadkeeda.
Hadda waxaa inaga yaraaday cadaadiskii faraha badnaa, waxaana kaa codsanaynaa in wadooyinka kale ee inaga xiran in ad qorshe u sameyso si aan u isticmaalno ayuu sii raaciyay bajaajlihii.’’
Gudoomiye Thabi ‘’Waan kaa aqbalay waana ballan in Muqdishaawiga ay noqdaan bulsho maamulkooda sida ay ka doonayaan iyo si ka sii badan uu ugu shaqeeyo, waxaan rajaynaya in baahiyaha aad qabtaan aan wax ka qaban doonno, adinka iyo anaga oo wada jirno’’.
Ugu danbeyn meeshii ayaa la gaaray gudoomiyihii waxa uu ka codsady yarkii bajaajta waday in lambarkiisa uu u sheego iyo qiimaha lacageed ee laga rabo, maadama uu gaaray wadadda Jeneraal Daa’uud.
Lambar sheegid kadib Bajaajlihii waxa uu ka helay gudoomiyaha wixii uu ka filayay ka badan iyo sidoo kale in uu dareemay in uusan jirin darbi u dhexeeyo madaxda iyo shacabka.
Image may contain: one or more people, sky and outdoor












Sawirka: Asad Jabiiba, X.Warbahinta G.B
La Wadaag Asxaabtada (Share-Dheh).

No comments:

Post a Comment