Friday, September 22, 2017

Uhuru Kenyatta’’ Maxkamada sare ee dalka waxaa ay ku kacday Inqilaab

Jimco, September, 22, 2017 (HOL) –Madaxweynaha talada haya ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay go’aankii maxkamadda sare ee lagu laalayay doorashadii madaxtinimada dalkaas Iqilaab ama afganbi lagula kacay dalka Kenya.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday, kaddib markii siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaa dacwad u gudbiyeen maxkamadda.
Guddiga doorashada ayaa hadda dib u dhigay waqtigii loo asteeyay in ay dhacdo doorashda ku celiska ah oo ku beegneyd 17 bisha October ee nagu soo foolka leh, waxaana uu guddigu sheegay in doorashada dib loo dhigay ilaa 26ka October.
Madaxweyne Uhuru ayaa yiri ' Waxaa dalkan inqilaab ka sameeyey afar qof oo maxkamada sare jooga .
Laakiin go’aankan markii uu soo baxay waxaa dhinacooda soo dhaweeyay siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan Raila Odinga oo ah shaqsiga siyaasad ahaan ay sida weyn isaga soo horjeedaan Uhuru Kenyatta, lana filayo in uu kursiga kula tartamo doorashada soo socta.
Sanadii 2007-dii ayaa rabshadihii dhacay doorashada ka dib waxaa ku dhintay 1200 oo qof kadib markii xiisado siyaasadeed ay ka dhasheen doorashooyinka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Post a Comment