Axad, September, 10, 2017 (HOL) --Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalladda Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalladda Boosaaso ayaa sheegay in ay ka cabanayaan koox ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin amniyaadka Dubai, kuwaas oo ku haya xad-gudubyo, sida ay hadalka u dhigeen.
Abshir Muumin oo ka mid ah ganacsatada cabashada muujinaya ayaa waxaa uu baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka ay kala kulmaan dad huwan shaarka ciidanka Amniyaadka Dubai.
Mursal Salaad, oo isaguna ka mid ahaa ganacsatada warbaahinta la hadashay ayaa tibaaxay in ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay ku dulman yihiin dalkaasi, isaga oo intaasi ku daray in ganacsatada la dhibaataynayo ay ka mid yihiin ganacsato dalka Imaaraadka ku leh hanti Muguurta ah, Shirkado iyo ganacsi kale.
Waxaa uu xusay in dhibaatada aan look ala eegan ganacsatada ayna saamaysaysay ganacsato dalkaasi ku sugnaa sanado badan sida 20 sano, 30 sano ilaa iyo 40 sano, sida uu hadalka u dhigay.
Shirkooda jaraa’id ayaa waxaa ay kasoo saareen war-murtiyeed u qornaa sidan:
1: waxaa ay baaq u direen dhammaan Hay’adaha ay qusayso arimahan inay wax ka qabtaan dhibaatada iyo xad gudubyada ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhacaya Imaaraadka, gaar ahaan magaalada Dubai.
2: in la sii daayo dhammaan gacsatada haatan sida sharci darada ah ugu xiran dalka Imaaraadka.
3: in ganacsatada Shuruucdooda laga qaaday sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo ciliyo iyo in la joojiyo dhibaatada lagu hayo ganacsatada.
Warsaxaafadeedkooda ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay kag cabanayaan rag ay magacyadooda ku kala sheegeen, Cubayd abu Cali, UAE, Abu Cali, Maxamed Catiiq ---- Abu Cabdullahi, iyo qaar kale.
Ahmed Barre waa nin kamid ah ganacsata Soomaalida ah ee aadka looga yaqaano Dubai iyo dalka Soomaliya, oo dhan, waa ganacsade wadanka inbadan joogay wuxuuna ku leeyahay magaaladda Dubai shirkado badan iyo guryo badan.
Axmed, waxa haysata kooxdaa dadka ganacsatada ah dhibaatada ku haysa, waxaana lagu haystaa si xaqdaro iyo dulim ah, wuxuuna ku xidhanyahay xabsiga Ceweer ee Ku yaala Dubai.
Ahmed barre waxaa looga yeeddhay xafiiska Muraaqabad--(station police) taariikhdu markey ahayd 09/05/2017, ka dib markii uu soo jaajusay Bashiir .
Axmed Barre waxaa lagu sameeyey baaritaanka (harsh interrogation-ka loo yaqaano ka dibna xabsiga loo taxaabay loonadiiday damiin iyo mudo uu hantidiisa kala daadsan ku soo uruursado.
Codsi
Waxaa dowladda Imaaraaadka iyo umaradeedda khayrka iyo sharafta baddana laga codsanayaa in ay Axmed Barre u ogolaadaan in uu maxkamadda cadaalad ah helo.
Dowladda Soomaaliya waxaa laga codsanayaa inay baadhitaan ku samayso sababta iyo cida kadanbaysa xadhiga dhibane Ahmed Barre iyo sidii uu Dhibanahu u helilahaa maxkamad cadaalad ah.
Dowlada somalia waxaanu ka codsanaynaa in ay baadhitaan dhab ah ku samaysaa shaqsiyaad ka kor ku xusan ee caadaystay gaboodfalkagacansatada somaliyeed ee dalka emirateka lagu lakaco.
Ugu danbayntii dowlada somaliya waxaanu ka codsanayaa in ay dowllada Emirates ka codsato file danbiyeedka dhibane Ahmed Barre.si ay u ogaato ama u hesho xaqiiqadda waraaqaha been abuurka ah ee ganacsata somaliyeed lagu masaafuriyo.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia
No comments:
Post a Comment