Monday, September 25, 2017

Madaxweyne Xaaf oo maanta bixiyay mushaharooyinkii shaqaalaha, ciidamada iyo baarlamaanka Galmudug

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta Magaalada Cadaado ee xarunta Maamul Galmudug geliyey xaalad cusub kadib markii uu dhammaan shaqaalaha, Ciidamada iyo Baarlamaanka Galmudug  ka safay mushaaraad.
Sida ay Caasimadda Online wararka ku heleyso Madaxweyne Xaaf ayaa bixiyey mushaarka Ciidamada Booliska, Nabad sugidda iyo Baarlamaanka Galmudug .
Mushaarka la bixiyey ayaa isugu jiray bishaan hadda socoto iyo 3 bil oo horey loogu lahaa madaxweynihii hore Cabdikariin Xuseen Guuleed kaasoo xil ka qaadis ay ku sameeyeen Baarlamaanka.
lacagta la bixiyey ayaa maanta si weyn looga dareemay Magaalda Cadaado iyadoo gashay xaalad cusub oo laga dareemay dhammaan meelaha ganacsiga iyo guryaha.
Waxaa sidoo kale la sheegay inaan maanta mushaar la siin Ciidamada Daraawiishta, balse wuxuu madaxweyne Xaaf u sheegay saraakiishada Caadimadaas in Mushaarkooda ay qaadan doonaan Maalinta Berri ah.
Madaxweyne Xaaf ayaa si toos ah u bixinayey mushaarka maamulka Galmudug tan iyo markii xilkaas loo soo doortay.
Mushaar bixintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu meel sare gaaray khilaafka madaxda ugu sareyso Galmudug, iyadoo ay is garab socdaan qorshayaal kala duwan oo mid lagu doonayo in xilka looga qaado Xaaf halka mid kalana lagu difaacayo.
Sida xogta hoose sheegeyso Madaxweyne Xaaf ayaa heysto taageero badan baarlamaanka Galmudug ah, Sidoo kalana waxaa la sheegayaa inay Golaha Wasiirada intooda badan ay taageersan yihiin go’aanka Xaaf, waxayna qodobadii dhawaan ay soo saareen u muuqdeen kuwa lagu taageerayey madaxweynaha.

Sunday, September 24, 2017

Madaxweyne Xaaf’’ dowladda Soomaaliya shan sacadood ayeey igu xayirtay garoonka magaalada Hargeysa

Axad, September, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in shan saacadood ku xayirtay magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Xaaf oo ka soo dhoofay dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa ka degay magaalada Hargeysa, isaga oo ka weecday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. 
‘’Saakay 6:00 Aroornimo ayaan imid magaalada Hargeysa shan saacadood oo xiriir ah ayaa leygu xayiray garoonka diyaaradaha Hargeysa oo dowladda federaalka iga celisay diyaaradii aan soo kireystay oo wax kasta lagu gorgoriyay’’ ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay go’aanka uu ka qaatay madaxweynaha Galmudug khilaafka wadamada Carabta ayaa u muuqata mid cirka isku sii shareertay, kaddib markii mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka qaarkood ka soo horjeesteen go’aankaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Saturday, September 23, 2017

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Hub loo waday Gobollada Dhex ee Somalia (Sawirro)

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Sabti, September, 23, 2017 (HOL) –Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay doon lagu soo qariyay hub sharci darro ah ,taasi oo ku sugnayd meel aan wax badan ka fogayn xeebaha Puntland.
Hubka saarnaa doontan ayaa isugu jiray qoryaha dhashiikaha ,AK7 –ka , Qoryaha BKM-ka rasaas iyo qaybo kamid ah hubka noocyadiisa  fudud,waxaana laga soo qabtay deegaanka Mareero oo qiyaastii 9km u jirta magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
“Doonidani waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland,waxaana laga soo qabtay deegaanka Mareero halkaasi oo ay howlgalo ka wadeen ciidamadu,waxaa doonida saarnaa hub noocyo kaladuwan leh,, Ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Maxamuud oo kamid ah saraakiisha ciidamada badda Puntland.
Waxa uu sheegay in qayb kamid hubka hadda gacanta lagu hayo laga soo qabtay biriga , xili la doonayay in gudaha loo soo galiyo Puntland ,mana uusan sheegin cid-da uu sida gaarka ahi hubkani ugu socday.
Sarkaal la hadlay HOL ayaa sheegay in hubkani ay mulkiyad-diisa lahaayeen ganacsato reer Puntland ah , isla markaana la doonayay in loo sii gudbiyo gobolada dhexe ee Somalia.
Ugu danbayn, doontan la qabtay aya lagu magacaabaa Al-Furqaan ,waxaana ay ka timid dalka Yemen  oo iminka ay ka socdaan colaado u dhaxeeya kooxo iska soo horjeeda oo ay kala hogaaminayaa Xuutiyiinta iyo dowladda taagta daran ee wadankaasi ka jirta. 

Faysal M. Hassan 
Boston@hiiraan.com

Axmed Madobe oo caro kala dul dhacay saraakiisha amniga kadib markii…




Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay kulan khaas ah oo looga hadlaayay arrimaha Amniga iyo Dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Wararku waxa ay sheegayaan in kulanka uu ahaa mid uu qabtay Hogaamiyaha maamulka, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.
Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe ayaa si guud uga hadlay waxyaabaha uu kusoo arkay deegaano dhowr ah oo uu booqday iyo sida ay u yaalan difaacyada ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka.
Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay jiraan dhaliilo iyo amaan dhowr ah oo uu u jeedinaayo Saraakiisha Amaanka waxa uuna cadeeyay inay jiraan habacsanaan ka muuqata dhufeysyada iyo deegaanada qaar.
”Waxaa jira habacsanaan dhanka amaanka ah waxaan dhaliishaasi u jeedinayaa Saraakiisha amniga oo mas’uul ka ah amniga dhammaan deegaanada maamulka, cadowgu waxa uu ka faa’iideystaa daldaloolada waa inaan ogaanaa dhibta ka dhalankarta in la dayaco dhufeysyada qaar”
Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dhaliilaha uu jeedinaayo uu kula xisaabtami doono Saraakiisha ku qoran dhufeysyada ay ka taagan tahay dhaliisha.
Axmed Madoobe waxa uu shaki galiyay in ciidamada qaar ay ku sugan yihiin difaacyada loogu tallo galay, waxa uuna taa u sababeeyay weerarada joogtada ah oo ay Shabaabku ku qaadayaan xarumaha maamulka.
Waxa uu Madoobe cadeeyay in weeraradii ugu danbeeyay ee Shabaabku ku qaadayeen Xarumaha ciidamada maamulka ay ku imaadeen habacsanaan dhanka amaanka iyo dayacnaan ka jirtay difaacyada ciidamada ee ku yaalla goobaha la weeraray.
Waxa uu sidoo kale, sheegay inay sameynayaan baaritaano la xiriira cida Alshabaab u sahashay inay weerar ku qabsadaan Xarumo ciidan.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sameeyay guddi hoosaadyo isaga u gaar ah kuwaa oo si hoose u baaraaya dhowr Sargaal oo lagu tuhmaayo in maleeshiyaadka Alshabaab ay ka caawiyeen weeraradii ugu danbeeyay.
Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Hogaamiyaha maamulka Jubbaland uu booqasho ku gaaray deegaano dhowr ah oo ay ka dhacaan dagaalo soo noqnoqday.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Diyaaaradii ugu horeysay oo xili habeen ah soo cagadhigta garoonka Aadan Cadde tan iyo bur burkii dowladdii dhexe

thumbnailthumbnailthumbnail

Sabti, September, 23, 2017 (HOL) – Ku dhawaad muddo 27 sano kaddib waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kaddib markii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.
Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 08:10  ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Imaashiyaha diyaaradan ayaa waxaa goob joog u ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo saxafiyiin ka howlgala qeybaha warbaahinta, waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa ka soo degtay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale ku howlan in ay dib u soo ceshato kootaroolka hawada Soomaaliya oo muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dhawaan heshiis arintaa ku saabsan gaaray wasaarrada duulista hawada Soomaaliya iyo hay'adda duulimaadyada  caalamiga ah ee ICOA. 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Khudbaddii RW Khayre ka jeediyay Qaramada Midoobay


Khudbaddii RW Khayre ka jeediyay Qaramada Midoobay

Friday, September 22, 2017

Sharif Sheikh Ahmed" Xukuumadda Soomaaliya way ku degdegtay go`aanka arrimaha Khaliijka

Mudane Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa bartiisa facebook ga soo dhigay hadalkan: