Thursday, May 18, 2017

ASXAABTAYDII RAADIYO MUQDISHO

W.Q. Cabdulqaadir Maxamed Mursal

Qormadan qabyada ah waxay ka mid tahay buuggayga  (Asxaabtaydii Raadiyo Muqdisho). Waxaa ka buuxa taariikho badan oo aad ka faaiidaysan doontaa haddii Alle idmo.

WAA KUMA MAXAMUUD CALI GUULEED?
Maxamuud Cali Guuleed

Raadiyo Muqdisho waxaa la aasaasay sannadkii 1951 isagoo markaas hoos tagayay  maamulkii Taliyaaniga A.F.I.S (Amministrazione fiduciaria italiana della Somalia) ee lagu aaminay inuu xornimo gaarsiiyo dalka Soomaaliya, wuxuuna baahin jiray barnaamijyo ku baxaya Afkasoomaaliga iyo Afka Talyaaniga.

Waxaa nasiib wanaag ah in dadkii Soomaaliyeed ee raadiyahaas lagu furay ay iminka qaarkood joogaan oo ay nool yihiin. Waxaa ka mid ah Maxamuud Cali Guuleed oo waqtigaas ilaa iyo maanta aanan cagta ka bixinin inuu u soo shaqo tago raadiyahaas ee uu goobjoogaha u ahaa maalintii dhidibbada loo aasay.

Waxaa la ii sheegay  arrin aan la ilmeeyay oo ah in Maxamuud Cali Guuleed oo deggan meel aanan sidaas uga sii fogeyn raadiyaha oo ah degmada Wargdhiigley ee uu deggan yahay ilaa iyo waqtigii raadiyahaas la asaasay ilaa maanta aanan daryeelkiisa iyo caafimaadkiisa aanan waxba laga qabanin. Maxamuud oo ah nin u dhashay adadayg iyo hawlkarnimo ayaa subax walba wuxuu ka soo jarmaadayay xaafaddaas, hase ahaatee iminka uu gabay socodkii isagoo la ii sheegay inuu addimada ka dhaqaaqi waayay iminkana uu sugan yahay gurigiisa.

Waxaa sii aasmaya taariikhaha dadka yar ee farakutiriska ah ee micna weyn ugu fadhiya  taariikhda dalkan.

SIDA AAN ISKU BARANNAY ANIGA IYO MAXAMUUD CALI GUULEED

Tan iyo yaraantaydii waxaan aad u jeclaa inaan ka mid noqdo dadka ka shaqeeya raadiyahaas, wax badan baa ii muuqan jiray inaan ka qaban karo markii aan ku biro warfaafinta.
Raadiyuhu wuxuu ku yaallay taagga Musawaca Muqdishow ee Forte Sheek (FORTE CECCHI) oo la qotomiyay 1912.

Markii xornimada la qaatay kaddib ee aan garaadsannay ayaa waxaa dhici jirtay  markii la gaaro habeenka bilashada Ramadaannka oo la sugayo bilashadeeda ayaan carruurta xaafadaha kala keddisan ee Muqdisho waxaan soo aadi jirnay oo isugu iman jirnay taagga raadiiyuhu ku yaallo halkaasoo millateriga Soomaaliyeed keeni jireen dhowr madfac oo ku  xiran gawaari jiideysa (Goormaa noogu dambeysay), Waxayna halkaas ka ridi jireen 21 madfac oo lagu salaamayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ummddana lagu ogeysiinayo in bishii Barakada lahayd ee Ramadaan ay bilatay, berrina tahay Soon. Intaas waxaa dheeraa oo ay carruurta aan ka mid ahaa halkaas u soo doonan jireen baaruudda madafaca halkaas laga ridayo (Waxay u ekaayeen sida cinjir oo kale). 

Cunug walba intuu ka gurubsan karo ayuu ka gurubsan jiray, markii madafaca la ridaba waxaa loo kala cararayay waxa ka daadadnayay oo baaruud ah. Baaruuddaas waxay ahayd kuwo holcaya markii lagu saaro dhuxul dab ah amaba lagu qabto kibriid, sidaas ayay carruurtu habeenkaas oo dhan iyo maalinka xiga ugu cayaari jireen.

Innagu waxaan ka iman jirnay xaafadda Hodan oo markaas cusbayd, waxaana aan dhihi jirnay waxaa naga nasiib badan ciyaalka Wardhiigley, Boondheere, Xamar weyne iyo Shingaanni oo aan dhihi jirnay waxay nooga dhow yihiin halka madaafiicda la keenayo. Jacaylka aan raadiyaha u qaaday berigaas ilaa iyo intaan shaqada ka galo waa igu jiray.

Sanadkii 1974tii ayay riyadaas ii suurtagashay oo aan ka mid noqday arday soo dhamaysatay waxbarashada dugsiga sare, isla markaasna soo  dhamaysatay tababarkii dugsiga Xalane. Waxaan ka mid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon dugsiyada Muqdisho, waxaana aan mar kasta ugu horrayn jiray hawl kastoo dhallinyarada ay kaalin ku leeyihiin sida: Cayaaraha isboortiga (Qalaaba rogadka), riwaayadaha qoristooda, jilliinkooda iyo farshaxanka, waxaana intaas ii dheeraa hawlaha iskaa wax u qabsada oo meel kastoo la ii diro aan heegan ku ahaa.

Waxaa kaloo aanan illaawi karin, hawlaha kale ee degaannada xaafadaha oo aan xagga hore kaga jiray. Kuwaas waxay ii sahleen inaan madaxdii dalka gaar ahaa kuwa waxbarashada ay aad ii bartaan iina tixgeliyaan, taasoo aakhirkiina ii keentay in la i doorran siiyo halkii aan ka shaqayn lahaa marka aan soo dhamaystay tababarkii Xalane iyo shaqadii qaranka oo ay ku ahayd khasab arday kastoo soo dhamaysta dugsiga sare iyo Xalane inuu u khidmeeyo muddo hal sano ah qarankiisa, soona guto hal sano oo shaqo qaran ah, iyadoo welibana la siin jiray 300 shilin oo ah nolosha macallinka shaqada qaran gudanaya.



Markii aad intaas soo dhamaysatid baa waxaa arday walba si toos ah nasiibkiisa loogu qori jiray wasaarad amaba wakaald hadba tii loo garto oo aan doorasho lahayn, anigase waa la ii dorran siiyay iyadoo la ii tixgeliyay hawlaha faraha badan ee aan qabanayay. Waxaan doortay in la igu qoro wasaaradda Warfaafinta, taasoo markiiba uu soo dhoweeyay Allaha u naxariistii Wasiirkii Waxbarashada iyo Barbaarinta Gaashaanle Sare Cabdirizaaq Maxamuud Abuubakar kana mid ahaa Golihii Saree e Kacaanka, sidaas ayaan ku imid Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Saaxiibbayaashey ayaa rabay igunala taliyeen mar haddii la i doorran siiyay inaan meelaha kale ee muhiimka ah ee dhaqaalaha fiican leh , hase ahaatee meel igala muhiimsam ma jirin inaan ku biro warfaafinta anigoon eegeynin dhaqaale, hase ahaatee halka aan is leeyahay waxbaad ka keeni kartaa, dalkanna waad ugu adeegi kartaa bay ahayd.

La soco qaybta 2aad ee qabyada

No comments:

Post a Comment