Sunday, July 9, 2017

DHALIILKA IYO IS-DHALIILKA (QAYBT 2AAD)

Suxufi: Walaayo
Barnaamijka intaan la baahin ka hor waa inuu maro dhowr silsila oo lagu baarayo hufnaanta iyo tayada barnaamijka waxaana isha soo marinaya wariyaha soo wariyay, Tifaftiraha hore iyo Tifaaftiraha Sare si barnaamijka si wacan loogu turxaan bixiyo. Wariyaha codka wuu baahiyay iyo qoraalka uu daabacay waa inuu ku xafido Keydka oo haddii agabkaas la isku qabsado ama hadal uu ka yimaado raad-raac laga heli karo halkaana lagu kala baxo.
Dadka baranaya saxaafadda waxaa marka hore la bara oo loo sheega masuuliyadda ay xambaarsan tahay shaqada ay doorteen taaso ah waajibka saaran ee ugu horreeya inay ku gutaan anshax ay kaga dhowrsnayaan been-abuurka iyo wax qalqal gelinaya nabadda, xasiloonida iyo habsami u socodka dhaqanka bulshada. Warbaahinta waajibaadkeeda waxa ka ka mid ah in ummaddu u jiheyso wadada horumarka, dhowrista midnimada qaranka iyo adkeynta xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshaha ummadda. Sifahaas noocaas waxaa meelo badan Ilaah uga sheegay quraanka kariimka ah. Wariyaha waa inuu barto Quraanka Kariimka ah iyo Axadiista Rasuulka (SWCW).

Marka la tixgeliyo xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay, warbaahinta maxaliga doorkeeda waxa weye inay nalka ku daarto una ifiso ummadda dhamaan sidii si wadajir ah loogu guntan lahaa soo celinta dawladnimada qaranka ayadoo soo jeedeneysa talooyin macquul ah oo la isugu soo dhaweynayo mujtamaca kala irnoobay gaar ahaan dhinaca siyaasadda. Warbaahintu waa inay dhisto ajenda cadcad (clear-cut agenda) iyo stratejiyada isgaarsiinta (communication strategy) oo ay dhinacyo badan uga faalooneyso oo mar walbo ay ku celceliso sifo dadka ku soo jiidi kara sidii mar kale ay ku midoobi lahayeen una ilaashan lahayeen nimcada Ilaah ku maneysta ee dadka iyo deeqda leh (human and natural resources). Warbaahintu waa inay si qoto dheer u baarto dhacdooyinka naxdinta lahaa ee dalka soo maray ilaa markii xoriyadda la qaatay sannadka 1960 iyo kuwo kale ee waqtiga burburka dhacay.
Warbaahintu waa inay dibedda u soo saarto doorka ay dagaal-oogayaashu ku lahayeen dalka min 1991 ilaa 2000. Ma mudan yihiin in la hor geeyo Maxkamadda Dambiyada ee adduunka (International Criminal Court) si meel loo saaro dambiyada ay ummadda ka galeen ee isugu jiray dilka, burburinta hantida dadweynaha, dhaca mucawimda loogu talay dadka tabaaleysan, dadka loo qafaalo inay bixiyaan baad, hor-joogsashada dhisme dawlad qaran iyo madax-furasho iyo dunuubta kale.
Adduunka aan ku nool nahay ee hormaray nolosha ummadaha waxaa si cilmi ah oo run ah u haga agabka kala duwan ee lagu faafiyo noocada kala duwan ee warbaahinta sida kuwa elektronikada ee Idaacadaha iyo TVyada, tan daabacan ee wargyeysada, websiteska, iyo dhamaan warbaahinta madaniga ee Social Media.
Warbaahin kasta ee ka jirta wadamada ilbaxa ah ee dunida waxay leeyihiin ajenda ay ku ceshan karaan gobannimada, madax-banaanida, midnimada dalka iyo dhowridda danaha dalku ka leeyahay dunida inteeda kale ee ku aadan siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka , amaanka iyo bulshada. Ilaalinta danahaas waxaa sal u ah deris-wanaag, nabad-ku-wada-noolaansho, is-xurmeyn loo siman yahay, dhowrista xuduudaha, dhowrista deegaanka iyo inaan wadan uusan wadan kale fara gelin ku sammeyn karin arrimaha u gaarka ah.
Amaamudka ajenda warbaahinta ee heer qaran waxaa ugu weyn in warbaahintu ay is-jirka shacabka (public attention) ku soo jeediso sidii hal meel loogaga soo wada jeesan lahaa dib-u-dhiska dalka ka soo kabanaya burubruka ku habsaday muddo ku dhow 30 sano. Waxaa kaloo ka mid ah noqon kara in warbaahintu ay ummadda farta ugu fiiqdo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo taam ah oo qof kasto u hiiliyo.
Waxaa warbaahinta xil ka saaran yahay in dawladda ay u ujeedi karto talooyinka xaaladaha dalka ka jira waase marka loo baahan yahay oo ay munaasab tahay ayadoo warbaahintu ka hortageysa haddii ay u muuqdaan ifafaalo qatar ku ah qarannimada, madaxbannaanida iyo dhamaan waxyaabaha lidka ku ah asluubta iyo akhlaaqiyaadka guud ee bulshada. Warbaahinta wadaniga waa inay digniin hore (early warning) ka bixin karto qatarta soo fool leh iyo sidii looga gaashanman lahaa.
Todobo iyo todoban sano kaddib, habka haraadiga ee awood-qaybsiga ku dhisan 4.5 ama 5, haddii sidii la rabay uu u shaqeyn waayay maxaa ummadda la gudboon inay ku tallaabsato? Warbaahintu waa inay taxliilisa oraahda ah ‘’habka qabaliga xaq ma ahin waa xal’’. Xal ma noqday? Waa maya. Su’aasha ka dhalan karta oo laga rabo inay warbaahintu is weydiiso waxaa ka mid ah. Maxaa badiil u noqon kara habka? Haddii la soo qaato nooca axsaabta badan (Multi-Partism). Warbaahinta maxaliga feker guud ma ka bixin karta nooca axsaabta badan tirad xisbi ee uu dalku qaadi karo. Habka fadaraha ee kuwa gumeysiga u qabaana ay buunbuuniyaan ee la yiraah Federaalka qabiilka ku dhisan dan ma u yahay dalka iyo dadka? 1991 kaddib markii la riday maamulkii askarta, gar ma ahayd inu qarxo dagaalka foosha xuma ee loogu magac daray ‘’Dagaalka 4-biloodka’’ , burburkii ku yimid ururka USC, tarankii dagaal-oogayaasha Muqdisho ku sii tartmeen si xunna u kala qaybiyay USC. Sunta badda Muqdisho ku aasan iyo dhibta ay u keeni karto jiilsha soo socdo iyo su’aalo kale oo fara badan. Suuragal ma tahay in dagaal-oogayaasha waxa nool in la horgeeyo maxkamadda dambiyada ee Caalamiga danbiyada lagu tuhunsan yahay inay ummadda ka galeen.
Warbaahinta Soomaalida ee ku hana-qaaday waqtigan burburka maxaa ajenda u ah. Dadka qaar ayaa waxay qabaan warbaahinta samanka inay basin ku sii shubtay holaci hore dalka u qabsaday oo qabiilqabiilka iyo qabiyaalada. Ilaa hadda maan arag warbaahin leh aragti qaran oo lagu badbaadinayo gobannimada waxaanse arkay warbaahinta curatay 1991 oo si bareer ah ula safatay dagaal-oogayaasha watay inay dalka hoggaankiisa xoog u qabsadaan ayagoo adeegsanaya awood qabiil.
WARBAAHINTA QABIILKA U ADEEGTA
Waxaa caado noqotay in warbaahinta xilliga burburka iskaga soo horjeesato danaha is-hiridiyaya ee qabiyaaladda ayadoo mid waliba ay difaaceyso dano qabiil laakinse nuxurka salkeedu yahay rag aan isku qabiil nahay kursiga xukunka dalka ha ku fadhiisteen. Waxaa caasimada laga abuuray dhowr idaacadood oo wada FM ayadoo ay soo baxeen wargeysyo nooca 4 baal ee cabirka 4. Warbaahinta noocaas ah ma jirin cid mahadisay laakinse waxaa laga dhaxlay dhiig sokeeye inuu isku daato ayadoo ay hadda muuqaneysa kuwo sheeganaya inay wariyayaal yihin inay si xoog leh u garaacayaan durbaanka cadaawada, isir nacaybka iyo dawlad-diidnimada oo horseedi kara dagaalo hor leh ee sokeeye.
Qaar ka mid ah warbaahinta madaniga gaar ahaan Youtube waxa ku jira kuwo caadeystay inay dhaliilaan maamulka curdanka ah ee dalka ka jira. Saan kor soo sheegay, dhaliishu haddii ay caafimaad qabto waa wax dalka iyo dadkaba ay u baahan yihiin. Waxaase ceeb ah wariye dadka wixii caqli leh ay ku barteen inuu beenlow yahay oo aan qabin, haba-yaratee, wax sariiga iyo anshaxa ka reeba xumaanta. Ayaga iyo allahooda, ujeedka ’’wariyayaasha’’ ma aqaan laakinse waxaa la sheega in waxa ay rabaan inay tahay in muqaalka ay soo dhigeen baraha ay dadku gujeeyaan oo ’’click’’ siiyaan. Ribixa ay hawshaas ka heelaan waa dhowr santi oo baraha waaweyn ee internetka ay bixiyaan xayisiska ay ku baahsadaan. Sheekada noocan ah ma sii socon karto waayo inta samaha jecel ay xiriir la sameynaya sharikadaha baraha iska leh.
Ololaha lagaga soo horjeestay ’’Guji’’ bartan.
Maalmo hore oo dadka xiran baraha bulshada ay olole ku qaadeen beenta ay faafiyaan kuwa isku sheega inay yihiin wariyayaal waxay dadweynaha goosteen inay qaadacaan daawshada boggagooda ay ku faafiyaan beenta iyo qurafaadka. CAJIIB! Waxay hadda soo rogeen farsamo cusub oo kale taasoo ah in shaqsi ama shakhsiyaad magac ku leh mujtamaca ay sawirkooda soo dhigaan sidaana lagu gujiyo halki shaqsiga ku soo jiitay uu kuu soo bixi lahaa waxaa soo boodaya sawirka wariyaha qas-wadaha oo dawlad-diidka ah ee qabiilqabiilka ka shaqeeya. Sidaas buu sanaatidiisii ku helay.
Waxaa jira meelo badan oo lagu riddin karo beentooda amase dacwo lagu oogi karo.
Wariyaha ku koray waqtigan burburka, fadlan dhaqanka qaran-duminta ku bedela qaran-dhis iyo horumarka dalka iyo dadka si adiga laftaada aad u hesho waqti aad qaadato waxbarasho akadeemig ah oo heer sare.

THE END

No comments:

Post a Comment