Friday, July 28, 2017

Midowga Yurub oo mashaariic ka fulinaya qeybo ka mid ah dalka

 
Jimco, July, 28, 2017 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay in mashaariic la xiriira wax ka qabashada arrimaha Abaaraha uu ka fulinayo guud ahaan dalka, si loo badbaadiyo dadka ay saameeyeen Abaaraha dalka ku dhuftay.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo shalay gaartay magaalada Baydhabo ayaa sheegtay ujeedka ay u tagtay magaalada Baydhabo in ay tahay sidii halkaasi ay uga bilaabi lahaayeen mashaariicda la xiriira wax ka qabshada Abaaraha ee uu fulinayo Midowga Yurub.
Waxaa kaloo ay sheegtay in ujeedada mashruuca Midowga Yurub in uu yahay sidii uu u caawin lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen, iyada oo sidoo kale sheegtay in waqti dheer ay ku fakarayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen oo ay wax uga qaban lahaayeen Abaaraha, sidaasi darteedna ay si dhow ula shaqeynayaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
“Waxaan joognaa magaalada Baydhabo, waxaa fursad in oo ah in barnaamijkeena aan halkan ka bilowno, Midowga wuxuu marwalba ku dadaalaa sidii uu wax uga qaban lahaa arrimaha bani’aadanimada, sidoo kalena uu u caawin lahaa dadka ay saameeyeen Abaaraha,'' ayeey tiri Lorenzo.
Maalintii shalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, iyaga oo halkaasi ka bilaabay mashaariic la xiriira wax ka qabashada arrimaha Abaaraha oo laga fulinayo gobolada dalka oo dhan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

No comments:

Post a Comment