Thursday, July 27, 2017

Qashinka oo laga mamnuucay magaalada Muqdisho

Khamiis, July, 27, 2017 (HOL) – Iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyay la waday olale lagu nadiifinayo caasimada Muqdisho oo ay ka qeybqaadanayeen madaxda ugu sareysa dalka, ayaa dadka looga digay in ay qashin ku shubaan goobaha aan munaasabadka ku aheyn ee magaalada.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay warbaahinta Muqdisho u sheegay in ay qofkii lagu helo isaga oo qashin ku shubaya meelaha aan munaasabka ku aheyn uu la mid yahay sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab.
“Maanta wixii ka dambeeyo qof laga aqbalayo ma lahan qashin in uu qashin hortiisa yaalo, wixii wacyi gelin ah waa soo sameynay, ama Ganacsade ha ahaado ama qof guri degan ha ahaado, wixii sharciga uu qabo ayuu ku muteysanayaa tallaabo sharci ayaa laga qaadayaa”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay olale nadaafadeed oo laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada.
“Dadka qashinka raba in ay magaalada ka soo qaadaan oo meeshana ku daadinaya, wuxuu noola mid yahay Al-shabaab -ka dadka dila, kuwa meesha wax ku daadinaya si dadban iyo si toos yeey noo dilayaa, waxaan caafimaadkeena ayuu saameyn ku yeelanayaa”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka
Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ayaa qeybo badan oo ka mid ah waxaad ku arkeysaa qashan iyo muuqaal aan idhaha u rooneyn oo dhamaantood qeyb ka ah nadaafad darrada muddada dheer soo daashatay Muqdisho wallow waayadii ugu danbeeyay madaxda iyo dadkuba u soo jeesteen siddii wax looga qaban lahaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

No comments:

Post a Comment