Friday, July 14, 2017

WARIYAHA QABIYALADA FAAFIYA

Suxufi: Walaalyo
W.Q. Cabdulqaadir Maxamed Walaayo
Kuwa baraha bulshada soo geliya erayada isku dirka ummadda waxa qadka uga saari karta inaad "report" u qorto maamulka YouTube adigo dhag siinaya 3 dhibco oo dhinac midig ka soo muuqanaya.
Waxa dhag siineysa "report" waxana ku soo baxaya qodobada soo socda adigoo xulanaya midka beenta ay faafinayaan ku haboon oo ridinaya:
1. Sexual content
2. Violent or repulsive content
3. Promote terrorism
4. Hateful or abusive content
5. Harmful dangerous acts
6. Child abuse
7. Infringes my rights
8. Spasm or misleading
Kuwan baraha bulshada dadka sharafta leh ku caya, nacalada, inkaara oo beenta faafiya waxay galayaan in dhag la siiyo qodobada 2aad, 3, 4, 5, 7 iyo 8aad.
Maamulka YouTube waxay baarayaan eeda oo haddii ay soo baxdo oo ay rumowdo eeda loo soo jeediyay beenalayaasha waxaa laga joojinaya isticmaalka barta waayo YOU TUBE looguma tala gelin in dadka lagu waxyeeleeyo oo lagu caytamo.
Bartan YouTube waxay ku shaqeysa heerka ugu sareeya ee anshaxa saxaafadda gaar ahaan warbaahinta madaniga oo ummaduhu isku dhaafsadaan aqoonta culuunta nuucyada badan ee Sayniska, teknolojiyada iyo dhamaan arrimaha u adeega ilbaxnimada aadanaha.
Qabiilqabiilka iyo qabiyaalada dugsi ma laha waxay dumiso mooyaane sida odayga Soomaalida AHUN uu ummadda ula dardaarmay.
Qofka qabiyaalada ka shaqeeya isku kalsooni shakhsi ah ma qabo wuxuunana rabaa qofkaas inuu ribix ku gaaro.

No comments:

Post a Comment