Monday, July 31, 2017

Tirada Ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacada Harvard oo kor u sii kaceysa

Isniin, July, 31, 2017 (HOL) - Ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barato Jaamacada Harvard oo ka mid ah jaamacadaha ugu wanaagsan dunida ayaa kor u sii kaceyso, xilli arday badan oo deeqo waxbarasho helay ay sannadihii danbe ka imaanayeen Soomaaliya.
Macallimiin Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale ka mid ah barayaasha daruusaha ka bixiyo Harvard oo kaalmaha hore oga jirto heerka kala sareynta jaamacadaha adduunka.
Dr Saciid Aadan waa Macallin Soomaaliyeed oo wax ka dhigo Jaamacada Harvard gaar ahaan Waaxda waxbarashada Maraykanka iyo Afrika.
Dr Saciid oo Harvard wax ka bartay, ayaa bilaabay macallinimada jaamacadaan sannadii 2013-kii, isagoo haddana ka tirsan waaxda barashada dhaqanka iyo luuqadaha Afrika oo inta badan lagu diyaariyo ardayda Soomaaliyeed ka hor inta aysan qorin buuggooda qalin jabinta.
Saciid, ayaa sheegay in Luuqada Soomaaliga lagu dhigo jaamacada Harvard oo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barato ay ka mid yihiin kuwa aanan waligood Soomaaliya arkin, kana kala yimid wadamada ku yaallo Waqooyiga Ameerika iyo qaarada Yurub.
Dhinaca kale Cabdifitaax Cabdi Xuseen waa wiil Soomaaliyeed oo 20 sano jir ah, kuna dhashay Xaafada K3 ee Xerada Qaxootiga Xagar-dheere oo ka tirsan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab Kenya.
Cabdifitaax oo Mareykanka la keenay isagoo sannad jir ah, ayaa hadda wuxuu ka mid yahay arday Soomaaliyeed ee wax ka barato jaamacada Harvard qeybta barashada Cilmiga Sayniska kombiyuutarka (Computer Science) oo uu bilaabay bishii August sannadkii 2015-kii.
Wiilkaan iyo walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabo Jamaal Cabdi Xuseen, dhigtana Jaamacada BU (Boston University) waxey dadaal badan oo ay sameeyeen ku muteysteen iney ku guuleystaan deeqo waxbarasho oo ay ka heleen hay’adda samafal ee BMGF (Bill & Melinda Gates Foundation) oo uu maal-galiyo aas-aaseen Shirkadda Microsoft ganacsade Bill Gates.
Cabdi Xuseen Aadan (Cabdi Yare) oo ah Aabaha dhalay Cabdifitaax oo 2019-ka, ka qalin jabin doono Harvard, ayaa ii sheegay in dadaal badan oo ay sameeyeen carruurtiisa ay u sahashay iney ku guuleystaan tartamo badan oo aqooneed.
Dadaalada joogtada ah iyo iscaawinta qoyskaan, ayaa u horseeday iney guulo dhanka waxbarashada ah gaaraan carruurtooda sida uu ii sheegay Cabdi Xuseen oo mid ka mid ah Kelyihiisa ogu deeqay Hooyada qoyskaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xabiibo Cusmaan ahna hooyada dhashay Cabdifitaax.
Waalidka qoyskaan oo ka kooban 7 wiil iyo gabar ayaa is guursaday sannadkii 1985, waxeyna ka soo carareen magaalada Muqdisho 1992 xilligaasoo ay yimaadeen xerada qaxootiga Dhadhab ee Kenya. Halkaas oo ay ku noolaayeen muddo lix sanno ah ka hor inta aanan Mareykanka loo soo qaadin 1998.
 
Dhinaca Ardayda Soomaaliyeed oo badankoodu wax ka barto qeybta taariikhda, ayaa Afar sano ka hor Jaamacada Havard waxaa dhiganaayay labo arday oo Soomaaliyeed. Balse hadda waxaa lagu qiyaasay tiro ahaan iney gaarayaan illaa toban arday.
Qaar ka mid ah Ardaydaan oo deeqo waxbarasho helay, ayaa waxey ka yimaadeen Iskuulka Abaarso ee Sayniska iyo Cilmiga farsamada oo ku yaallo meel 18 km dhanka galbeed ka xigto Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Ardayda ka timid Abaarso, ayaa lagu amaanay iney si fiican u yaqaanaan Afka-Soomaaliga ayna aad ugu fiican yihiin waxbarashada.
Sidoo kale Iskuulada ku yaallo Soomaaliya qaarkood, ayaa la tibaaxay iney la tartamayaan goobaha waxbarasho ee Mareykanka marka la fiiriyo dhanka waxbarashada.
Jaamacada Harvard oo ku wanaagsan cilmiga ganacsiga, ayaa waxaa ka soo baxay madaxweynayaashii ugu badnaa ee Mareykanka soo maray, waxaana lagu ammaanaa waxbarashadeedu iney tahay mid aad u sareeyo madaama ay oga duwan tahay jaamacadaha kale dhanka tayada waxbarashada. Iyadoo marka horaba la tilmaamo iney xulato ardayda wanaagsan iyo Barayaasha heerka sare ka gaaray waxbarashada.
Harvard oo la aas-aasay 1636 ayaa xarumaheeda waa weyn waxey ku kala yaallaan gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka, waxeyna ka mid tahay Sideeda {8} Hay’adood ee gaarka ah ee tacliinta sare ee Maraykanka oo la isku dhaho (IVY), lana aas-aasay sannadii 1954.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
Atlanta, Georgia – Mareykanka

No comments:

Post a Comment