Thursday, July 13, 2017

MA XILDHIBAN BAA MISE XIL MA-KASE?

Suxufi: Walaayo
W.Q. Cabdulqaadir Maxamed Walaayo
Qof hadda ka hor ummadda horteeda ku ceeboobay oo xilki lagu aaminay si sharaf leh u gudan wayay ayaa hadane maseyr ama hunguri weyni darti raba in uu mijaxaabiyo xukuumada Kheyre oo aan 6 bilood dhameysanin.
Hawlaha Barlamaanka waxa ka mid in guddiyada kala duwan ee siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo amaanka/difaaca ay 4 sano ee soo socota ay falanqeeyaan oo si qoto dheerna uga doodaan arrimahaas kaddibna ka soo saaraan go'aano dhaxal gal ah oo dadka iyo dalkaba la mahadiyo ayago tilmaamo cadcad u soo jeedinaya xukuumada iyo shacabka guud ahaan.
Shacabka aad ka wakiilka tihiin wuxuu idinka sugaya una dhag taagaya sidi aad talo uga bixi lahaydeen la dagallanka argagixisada gudaha, musuqa, qabiyaaladda siyaasadda ku dhex milantay, la socodka halka ay msreyso arrinta tiil maxkamadda adduunka ( ICJ THE HAGUE), derbiga ay Kenya ka dhisayso xad-beenaadka, xaaladaha deegaanka badda iyo bariga, cidamada shisheeye ee muddada dheer fadhiya badda Soomaliya, AMISOM, dib-u-dhiska dalka, hortagga abaaraha soo noqnoqda iyo macluusha ka dambeyn karta, dhismaha maxkamadda dustuuriga, qeexidda diyaasadda dibedda ee Soomaaliya ay ku tacamuleyso caalamka, tayada diblomasiyiinta Soomaalida, ma ka fekerteen sidi wax lagaga qaban karo biyo yarida xilli-xilli soo wajahda ee webiyada Soomaaliya, ma la diyaariyay "Package" cad oo dawladda ay la hortageyso wadahadalka Somalia/Somaliland. Liisku waa dheer yahay!
Kooxdan qaska wada ma taqanaan miya wax kale oo aan ka ahayn mooshin wax lagu duminayo.
Aniga iyo dadka ila midka ah, waxaan la safanahay fekerka Sheikh Nuur Baruud oo haddii aadan ka leexan wadada xun aad heysaan wixii cawaaqib xuma ah ee ka dhasha in kooxda mooshinleyda jago iyo dhaqaale doonka ah ay masuul ka noqon doonaan.

Shacabka samirka wuu ka dhamaaday. Muddo ku dhow 30 sano oo qas ah waa nagu filan tahay!

No comments:

Post a Comment