Sunday, March 12, 2017

CIMILADA MQUDISHO IYO HABKA DHAR-QAADASHADA!


Suxufi:Walaayo
Magaaloyinka ku deedsan xeebaha bariga Afrika oo ay qoyso Badweynta Hindiya waxaa cimilo ahaan lagu tiriya dhul kuleylo isla markaana leh jawiga nooca wata huurka (humidity) marka laga reebo xilliga roobabka xagaaga ee sida badan ka da'a xeebaha bisha June sannad walba.
Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah caasimada Muqdisho oo dadka ku dhaqan ay qaabka lebiskoodu ahaan jiray habka dhar-qaadashada fudud oo qafiifka ah oo aan culysi badan lahayn "light attire" sida dadka aaney ugu dhibtoon cimiliada kulul darteeda.
Muqdisho
Marka laga soo bilaabo xeebaha Djibouti iyo wadamada kale ee ku yaala xeebaha badda Cas waxaa arkeysa dadka ku dhaqan inay ku lebistaan dhar qafiif "light attire" oo midabku yahay cadaan ayadoo welibana dhalinyaradu, gaar ahaan ragga, ay xirtaan saraawiil gaaban iyo garano cadaan ah keli ah. Waxaa arkeysa in dad qaar oo da'dodu kala duwan tahay feero qaawan yihiin sababtoo ah cimiliada oo kulul awgeed.
HABKA DHAR-XIRASHADA
Mowduuca habka dhar-qaadashada "wearing style" waxaan u soo qaaTay markaan in muddo ahba u fiirsanayay, aseen la yaabana, dadka ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan dadka madaxda sare ah ee jagooyinka kala duwan ka haya dawladda iyo saraakiisha sarsaare ee xafiisyada dawladda hawl-wadeenka ka ah inay gashan yihiin dharka isku-jooga nooca loo yaqaan "suit" ama "suud" oo weliba luqunta ugu xiran yahay "taay" taasoo ah wax lala yaabo sida ay ugu adkeystaan cimilada sii kulaaleyneysa iyo dharka suudka ah ay gashan yihiin.
Waxaa arkeysa meelaha ay munaasibooyinka ka dhacayaan dadka ka hadlaya ayagoo jooga oo si xooga u dhididaya ayagoo/isagoo ku arbushan tirtirka dhidhidka iyo is-babinta weliba waxaa dhacaysa in gurmad loogu keeno waraaqaha mandiilka tirtirashada cuntada loo isticmaalo.
BURBURKA KA HOR "MOGADISHU FASHION
STYLE"
Burburka ka hor dadka Muqdisho ku dhaqan oo mansabkoodu kala geddisana waxay dhaqan ahaan ku libsan jireen dharka caadiga ee shaararka iyo sarawiisha qaafiika oo ay farsameeyaan dawaarlayaasha Xamar nooca ka sameysan dunta nooca loo yaqaan TETREX, TETRON, MOHER iyo tan shaaraka eeTERITAL iyo "LINO BIANCO ITALIANO" oo loogu tala galay in lagu lebisto cimilada loo yaqaan "tropical" oo dhulkeeno leeyahay.
Waxaa kaloo cimilada Muqdisho ku haboon xirashada dharka u tolan habka "Kaunda Suite" oo leh gacmo dheer amase gacmo gaab. Habka dhar-xirashada noocan waxaa laga bartay Madaxweynihii hore ee Zambia, Kenneth Kaunda. Sidaa darteedna waxaa la siiyay magaca "KAUNDA SUIT".
Dharka noocaas ah waxaa laga soo dukaameysan jiray amase lagu farsameyn jiray carwooyinka Muqdisho sida "ALTO MODA", Satoria BINI, Sartoria BINDA, AURORA, EMPORIO GARAGGI, TELA DI RAGNO", KING TAILOR, AFRO TAILOR, SARTORIA IN-CANDELE, iyo harxaano/sharqaano kale oo ay dawaarlayaal Soomaali ah ay farsameyn jireen.
Waxaa kaloo jira dharka sameyska ah ee Alindiga Banaadiriga oo hadda meelo qaar laga sameeyo sida magalooyinka Muqdisho, Marka iyo Barava. Hadda Muqdisho waxaa jira dukaamo ku teetsan wadamada Maka Al-Mukarramah oo dharka lagu fasilo.
ISTICMAALKA QABOOJIYAHA (AIR CONDITIONER - AC)
Waxa kaloo jirta in jiilka cusub oo ku soo biiray hawlaha maamulka dawladda waayahan dambe waxay sida badan ku jiraan xafiisiyo, gawaari iyo guriyo qaboojiyayaal leh (Air Conditioner) si ay uga gaashaantaan cimilada kulul oo huurka wadata oo sababta ugu weyni tahay waxay ku lebisan yihiin dharka "suud" ka ah oo kuleylka soo jiita ayadoo dhinaca kale isticmaalka qaboojiyaha uu la imanayo qasaare dhaqaale shidaalka ku baxaya qaboojiyaha awgeeda.
Qofka Muqdisho deggen uma baahan qaboojiye oo ku isticmaalo xafiiska, guriga iyo gaariga marba hadduu iska furo dariishadaha guriga, gaariga iyo xafiiska si uu isugu qaboojiyo markuu kuleyl dareemo neecawda ka soo dhacaysa badweynta furan ee "Indian Ocean". Qofka ma dareemayo kuleyl hadduu joogo meel hoos ah oo neecaw qabow ay ka dhacayso.
Fadlan beeqaami dhaqaalaha shacabka taagta daran isla markaana xiro dhar qafiif ah oo ku sahli kara inaad hawlo badan qabato.
Maahmaah Soomaali oo waxa jirta oraneysa: "DHAR MAGAALO SI LOO XIRTO WAA DHOW DAHAY LAAKINSE DHAL MAGAALO SI LOO NOQDO WAA DHEER TAHAY".
Inkastoo Soomaalidu aaney been maahmaahin, haddana waxaan aaminsanahay in dhar magaalo si loo xirto aaney sahlaneyin.
Habka dhar-xirashada iyo guud ahaan hab-nololeedka "qosol-ku-jabka ah" fadlan iska bedela.
Waa iga talo. Fadlan fasir kale ha u yeeli.

No comments:

Post a Comment