Thursday, March 23, 2017

WAXAA WADDADA YAAL QODXO BADAN

Si looga gudbo qodxaha waxaa asal ah in la dhiso moraalka ciidamada.
Suxufi Walaayo

Inkastoo ay degdeg tahay in laga faaloodo waxtarka laga filayo iyo dib-u-dhaca ku imaan karo mustaqbalka, xukuumada cusub., haddane wadada hor taala waa mid qodxo badan oo si qodxaas loo dhaafo ay dhibkeeda leedahay una baahan tahay geesinimo iyo daacadnimo..
Dalka waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso xasilinta amaanka dalka guud ahaan iyo kan caasimada gaar ahaan oo dhiiga dadweynaha uu maalin walba ay daadinayaan xoogagga nabadiidka,

Qiyaas 8 sano ku siman ayaa laga jooga markii ay xoogagga nabadiidka dagaallada hubeysan ka bilaabeen caasimadda ayagoo geystay falal argagax leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidanka NISA
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Ciidamada iaalinta nabadgelyada `` Law enforcement Agencies`` oo isugu jira dhamaan ciidamada qalabka sida, waxay muujiyeen dadaal iyo naf-huridnimo laakinse waxay weli awoodi waayeen inay meel saaraan kuwa nabada qarbudaya. Waxa ugu wacan inay in ciidamadu ay hawshooda gudan waayayan dayac ka soo gaaray maamulkii hore ee meesha banneeyay oo si cad qalb jab ku riday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Erayada ciilka iyo calowyowga baday ciidanka waxa ka mid ahaa markii Madaxweynihii hore uu meel ay ku shirsanayeen saraakiil sare oo qaarkood ay Jannano yihiin uu si caro leh ugu yiri: `` QOFKII AAN RAALI KU AHAYEEN INUU QAATO BOQOL DOLLAR BISHII HA ISKA TAGO´´.


Ciidamada Gaashaaman
----------------------------------------------------------------------------------------------------------























Ma rabo inaan ku dheeraado dhibaatada moraal jabka ee ciidanka soo gaartay, waxaase xukumada cusub looga fadhiya inay wax ka qabato sugidda amniga qaranka guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka ku dhaqan Muqdisho oo ay hadda birtu saaran tahay.

Wax walba oo gacanta xukuumadda ku jira waa in loo jeediya ammaanka dalka iyo daryeelka dadka ay abaartu wax yeeleysay.

Xukuumada cusub waa inay ayadu qaaddaa doorka horseednimada ee dalka lagu badbaadinayo. Waa inay qayb weyn oo ka mid ah mushaarkooda ugu deeqaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen si ay tusaale ugu noqdaan dadweynaha ay xilka u hayaan,

Waa iga talo wax kalena ugama jeedo. Xaasha Lillah!

No comments:

Post a Comment