Wednesday, March 29, 2017

Markii ay Wasaaradda Warfaafintu Xajka ii diresay!

Waxaad Karaamo leedahay Markii aad Dawlad leedahay
Sidii caadada u ahayd wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxay sanad walba ka heli  jirtay martiqaad boqortooyada Sacuudi Caraabiya martiqaad ah in qof wariye ahi uga qaybgalo, warkana soo tebiya islamarkaasna uu soo xajiyo.

1986dii ayuu noqday nasiibkeyga inaan heli fursaddaas ah in Xajka sanadkan la ii diro. Loollan iyo qalqaalo midna uma gelin, ma codsan oo dadkii codsaday ka mid ma ahayn.

Waxay igu noqotay filanwaa markii Allaha u naxariistee Maxamed Carab Falaxfalax iiga daba yimid dalcadda hoose ee guriga ummadda isagoo u sii socda  dhanka wasaaradda, gaarigiina ii joojiyay, dabadeedna aan isasoo wada raacnay. Wuxuu iigu bishaareeyay in shirkii shalay ee wasaaradda lagu go`aamiyay in sanadkan xajka adiga lagu siiyoo oo laguu diro. Waxay ii ahayd farxad wayn oo aanan weligey illaabin.

Waxaan haddaba sheekadan u soo qaatay caawa, anigoo waraaqo ka dhex baaraya kolay ay ka buuxaan waxyaabihii ka haray dokumentiyadeeydii farha badnaa ayaan waxaan ka dhex helay afar warqadood oo isku xiran oo si wayn ii soo xusuusiyay nidaamkaan lahayn iyo dawladnimadeennii, markaasan jeclaaday inaan idinla qaybsado oo halkan sawirradooda soo dhigo anigoo uga dan leh iney farriinna u noqoto xukuumaddan ay rajada badan ka qabaan dadkeenna.

Warqaduhu waxay kala yihiin:1 -  Warqadda martiqaadka ee Sacuudiga 2- warqadda laygu magacaabay inaan aniga ahay sanadkan qofka tagaya xajaka 3 - warqadda ay wasaaradda warfaafintu iigu codsaneyso (Nulla Osta) iyo in la i siiyo lacagtii sahayda ahayd oo la ii waydiinayo wasaaradda arrimaha debadda iyo agaasimaha guud ee lacagta ee Madaxtooyada JDS 4- Wasaaradda Arrimaha Debadda oo waaxda Carabta ku wargelineysa magacaabistayda wasaaradda Warfaafinta. Sidaas si la mid ahna waxaa warqad kale oo gaar ah la iigu qoray Somali Airlines oo iyaduna tikidkeygii laga dalbay iney i siiso.

Waxaad karaamo leedahay markii aad leedahay dal iyo xukuumad maamulkeeda hufan yahay shaqeynayana. Sidaas ayaan ku dhoofay oo xajkana ku aaday, soo dhoweyntii la iiga bilaabay garoonka dayaaradaha Jiddah ayaan ku soo xajiyay oo meel walbana la i soo marsiiyay ilaa aan ka soo dhoofo. 

Sida ku cad waraaqahan waxaa muddo bil ah la ii qondeeyo 1000 doollar oo jeeb gashi ah, si karaamadeyda loo dhowro oo aan dadka halkaas tagaya indhaha ku taagin oo qof isku filan u ahaado iyo dhamaan wixii kaloo tashiilaad ah. Waxaas musuqmaasuq laguma bixiyo odayga qabillkaaga ahna kuma siiyo , mana aha wax la xaday ee waa waxaad xaq u leedahay.


Xukuumadda cusub waxaan u rajaynayaa khayr iyo waxqabad dhab ah.

No comments:

Post a Comment