Thursday, June 1, 2017

Burco : Labaatan ruux oo u dhimatay cudurka shuban biyoodka & xaalad deg deg ah oo la soo rogay

 
Khamiis, June, 01, 2017 (HOL) - Golaha Degaanka Burco oo kaashanaya Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Ciidammada ammaanka ayaa magaaladda Burco ku soo rogay xaalad deg deg ah oo la doonayo in wax lagaga qabto cudurka SHuban biyoodka oo faro baas ku haya magaaladda.
Xaaladdan degdega ah ayaaa ka dambeeyey ka dib markii shuban biyood soo ritay boqolaal dadweyne oo gobolkan ka tirsan,isla markaana celcelis ahaan uu maalin kasta soo ridanayo boqolkiiba sideetan qof.
Golaha deegaanka iyo wasaaradaha shaqadda ku leh caafimaadka oo shir ku yeeshay magaaladda Burco ayaa isla qaatay toban qodob oo kala ah:
1. Gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada Burco saacada laga bilaabo in ay ku jirto xaalad deg deg ah oo caafimaad.
2. In Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Caafimaadku wacygelin ay iska kashanayaan la laban laabo.
3. Xildhibaannada afarta waxood ee degmada waxa la siiyey baabuur u gaar ah oo ay hadh iyo habeen ku shaqeeyaan, shidaal iyo wax kasta oo ay u baahdaana loo diyaariyey.
4. Maadama xannuunku ka dhalanayo nadaafad darrada waa in la sameeyo dardargelin nadaafadeed.
5. Imtixaannaadka dugsiyada oo loo diyaar ahaa gebi ahaanba in la joojiyo oo aan la qaadin.
6. Waxa kale oo aan fasax u kala dirayaa dhammaan maalcaamadaha iyo dugsiyada madaxbannaan.
7. Farmasiiyada dhammaantood waxaannu leenahay irbad deg deg ah qofka waa lagu mudayaa, laakiin farmasii dad la dhigaa ma jiri doono.
8. Dhammaan telefiishannada Burco ka shaqeeyaa waa in ay barnaamijyadooda qayb ka siiyaan wacygelinta shuban-biyoodka
9. Cida dawada laga iibinayaa waa in ay noqoto cida caafimaad ee dawada u xilsaaran;
10. Kaantaroolada magaalada waxa la dhigayaa shaqaale u tababaran oo qofka soo gelaya iyo ka baxayaa waa la buufinayaa sida uu Maayirka Burco sheegay.
Dhinaca kale, isku duwaha caafimaadka ee gobolka Togdheer Yuusuf Dirir ayaa sheegay in illaa hadda labaatan qof u geeriyoodeen shuban biyoodka ka dilaacay magaaladda Burco.
“dadka yimid ee la soo dhigay ilaa xalay waa sideetan, marka laga reebo labaatan qof oo wixii shalay ka horeeyey u geeriyooday”ayuu yidhi isku duwaha gobolka Togdheer ee wasaaradda Caafimaadka Yuusuf Dirir.
Mar uu ka hadlayey qaabka loo xakameeyo cudurkan dilaaga ah ee shuban biyoodka waxa uu yidhi “ Sida loo xakameeya waa laba nooc, in dadka la wacyigeliyo oo dadka la tuso waxa ay iska ilaalinayaan, midna waxay tahay daaweyntii, wacyigelintu waxay tahay in marka suuliga ka soo baxay faraxal ku faraxashaan, cuntadda marka diyaarinayaan waa inay faraxashaan, meelaha cuntada lagu karinayo waa in nadaafadeeda la ilaaliyaa”.
Mar uu isku duwuhu ka hadlayey xaafadaha ay u badan yihiin shuban biyoodka waxa uu yidhi “Goobaha uu ugu badan yahay ee gobolka Togdheer waxa ka mid ah, xaafadda Sayladda, Octobar, meesha layidhaahdo machadka, waxa la odhan karaa Burco oo dhan wuu ku baahsan yahay marka laga reebo xaafada hoteel Balasa inta kale oo dad baa laga keena”
“Illaa imika lama odhan karo hoos buu u dhacay, maalina waxa imanaya boqol iyo dheeraad, maalina sideetaan, marka celcelis ahaan maalintii sideetan qof ayaa cisbitaalka la keenaa. ”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment