Qore Abdulkadir M. Walayo
Saxafi Soomaali.
TALO KOOBAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA-LA-DOORTAY
Madaxweynaha-la-doortay ee Jumhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed. Mudane, iska jir. Iska ilaali oo hagaaji habka iyo hanaanka siyasaadda gudaha iyo dibedda Soomaaliya oo waqtigan loo baahan yahay in si weyn wax looga bedelo oo ay xukuumada aad soo dhisi doonto ay siyaasadaheeda ku jaan goyso masaalixda guud ee dalka ayadoo la tixgelinayo xaaladaha maanta aduunyada ka jira.
SIYAASADDA GUDAHA
Marka hore waa inaad magacowda Ra'isal Wasaare aqoonyahan ah oo diinta ku xeel-dheer iyo aqoonta kale ee maadiga meel fiican ka gaaray oo waayo-arag ah oo nin culus ah.
Shaqsiga sifahaas leh waxaa ka soo dhex xulan karta barlamaanka gudihiisa ama dibeddiisaba. Waa inuu ahaado shakhsi ay ummadu u joogsaneyso marka muuqaalkiisa la arko oo ku caan baxay inuu ka yahay nadiif wax kastoo xumaan ah "Mr. Clean" sida musuqa, qaraabo-kiilka, kooxeysiga, goboleysiga, saxiibtinimada gaarka. karti la'aanta, hufnaan la'aanta, qiyaanada iyo wixii kale ee soo raaca.
Shaqsigaas waa in ay dadku u arkaan inuu yahay wadani dhab oo geesi ah oo aan sinnaba uga leexneyn siyaasadda cad oo xukuumadu ay jeexatay inay dalka iyo dadkaba ku dhaqdo. Waa inuu ahaado shaqsi kala garan kara gacalka iyo nacabka dalka, dadka iyo diinta isla markaana qiimeyn kara siyaasadaha adduunka halka ay marayso kaddibna shacabka ka siin kara muuqaal guud iyo mid gaar ah haloosinka ay ku kala socdaan dabaylaha is-hartiyaya ee ka dhacaya danaha kala duwan ee ay bursanayaan wadamada siyaasadaha caalamka guud.
Mr. President. Meesha kuugu horeysa ee RW karti iyo hufnaan leh aad ka soo naqeysan karto waxaa ugu horreeya gudaha jallayaasha aad bahowdeen "Naadiga Isbedel-doonka Cusub" oo aad xubnaha kale aad u igman doonto Wasaaradaha furaha ee dalka ayagoo dalka ku hoggaamin doona wadada horumarka iyo baraaraha isla markaan soo alifo doona siyaasado ku dhisan caqli iyo aqoon oo ummadda lagaga saaro karo afkaarta haraadiga ah ee lagu soo dhaqayay in ka badan rubuc qarni kaddib markii la riday maamulka hore ee askarta.
"Waa maamulka siyaasadaha dalka lagu soo rogo aragti cusub "new vision" oo tin iyo cirib is bedel la mahadiyo keeni karta".
Waa inay xukuumaddu horseedo dhismaha mujtamac ku dhisan shaqo iyo cadaala oo si buuxda hagar la'aan uga qayb gala ka-soo-kabashada dib-u-dhaca iyo ka qayb galka dhismaha dalka. Waa in dalka lagu dhaqo isku-xukunka qawaaniinta "the rule of Low" oo aasaas looga dhigayo diinta suuban ee Islaamka ee dhaqanka Soomaalida uu ka soo jeedo.
DOORKA WADANIGA UU KU LEEYAHAY DALKA
Wadaniyiinta Soomaaliyeed waxay si xamaaso leh ku muujiyeen taageerida ay u hayaan Madaxweynaha-la-doortay laakinse waxaa hadda kaddib loo baahan yahay in taageridaas xaqiiq la taaban karo loo tarjumo. Waa in shacabka Muqdisho ay si iskooda u bixiyaan canshuurta ku waajibtay oo dalka dib loogu dhisayo. Waa in ummadda ay hawalaha dib-u-dhiska ay si iskaa wax u qabso uga qayb qaataan ayadoo xukuumaduna ay dhaqaalaha ka soo xaroodaha canshuuraha kala duwan ay ku bixiso mashaariic taabanaya nolosha shacabka oo dhaqaalahaas uu ka muuqan kara nolosha dadka iyo horumarka dalka.
Xukuuma aan shacab si kastaba u taageera lahayn xukuuma lama dhihi karo. Xukuuma aan ciidan daafaco lahayn xukuuma lama dhihi karo. Sidaas awgeed waa in shacabka ay dhamaan qayb ka noqdaan ilaalinta nabadgelyada caasimada ayagoo abuuraya guutooyin gaaf-wareega xaafadadaha habeen iyo maalin soona qabqabta kuwa nabadiidka oo ummadda dhigooda sida xaq-darrada ku daadiya goor kaste. Dadka reer Muqdisho waa og tihiin waxaa ku xukuman tihiin dil oo waa tan maal walba qarax kooxaha nabad-diidku idinku laynayaan. Bal hadda iska dhinta adinkoo is-difaacaya kuna hawlan dhismaha dalkiina hooyo.
ARRIMAHA GOBOLLADA WOQOOYI SOMALILAND
Xukuumadda waa inay ka soo baaraan-degto sidii dawo ay raali ka yihiin loogu heli lahaa arrinta ku saabsan tamashada walaalaheen Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland oo runti tacadi weyn loogu geystay dhinaca awood-qaybsiga maamulka dawladda kaddib is-raaci labada gobol ee Koonfur iyo woqooyi 1960 iyo dagaalka xukuumaddi la riday ay ku qaaday gobolladaas.
Waa in xukuumaddan cusubi ay la timaado talo-soo-jeedin macquul ah oo ku dhisan garoyshiyo xaqiiqda ka sheegaya taariikhda la soo maray iyo xumihihi dhacay iyo sidii xal waara loogu heli oo lagu boogo-dhayo xanuunka ay tirsanayaan walaalaheen.
Sidey aniga ila tahay, waxaan shakhsi ahaan dawo u arka in mar kale calanka Soomaaliya si rasmi ah loogu geeyo magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayadoo la sii raacinayo xil iyo xumeyn inta mugeedu la'eg ay noqoto wax dad gob ah lagu sharfo iyo 100 gabdhood oo godob-reeb ah oo laga keenay dhamaan gobollada koonfurta.
Waa in Muqdisho ay reer Hargeysa u geyso waraaq cad oo ay ku soo qortaan shuruudaha ay rabaan oo ay ku dawoobin karaan taasoo bedel looga dhigayo tallabadii ay soo qaadeen markii ay shardi la'aan ku soo biireen koonfurta July 1da 1960. Ayagoo ku samray dhibta ka soo gaartay midowga ee maamulkii koonfurtu u geystay ayaa hadane dadka woqooyiga waxaa lagu weeraray dayaarado dagaal oo maanta muunaad ah u suran ugana muuqata bartamaha faras-magaalaha Hargeysa.
Sida daraadeedna waa in labada geesoodba ay furaan wada-hadallo run ah oo aan jabdo ku dhisneynin sidii hore oo kale ayadoo aaney jiri doonin inta ay wadahadalladu socdaan cid seddexaad mase ka badan oo aaney dibedda ka soo fara gelin.
Waa in mumasiliinta reer Somaliland jagooyin muhim ah laga siiyo xukuumada la dhisi doono si ay u muuqato in Muqdisho ay diyaar u tahay wixii xumaha oo dhacay in laga dawoobo.
Waa in la abaabulo bulshada madaniga oo la abuuro waxaan ugu magac daray "Garwaanta Nabadda "Carovano of Pieace" oo dalka oo dhan", meeshii suuragal ah, ay lug ku maraan uguna baaqaan ummadda nabad iyo walaalnimo. Wixii godob ah noocay doonaan ka ahadeene oo la kala tirsanaya waa inay ku dhameystaan wadahal la iskana ilaabo gacan-ka-hadal uu dhiig uu mar kale ku daato. Hal-ku-dhaggu waa: "IS-AAMIN IYO IS-OGGOL".
HABKA HARAADIGA EE KA FOG EE 4.5 AMA 5
Mudane Madaxweyne. Waa in xukuumada ay baarlamaanka geeyso talo-soo-jeedin hor-dhac ah "proposal" oo xildhibaanadu kaga fiirsanayaan sidii wax looga bedeli lahaa nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 ama 5 amase si cilmi ku dhisan loo jaan-goyn lahaa wax qaybsiga habka oo runti aanu wax ku soo kordhin hab-maamulka dawladnimo ee siyaasadda gudaha Soomaaliya dalka, inuu wax u dhimayo maahine.
Waxaan rabaa inaad dhuuxdaan maqaal aan 4 sano ka hor u qoray bil kaddib markii la doortay xukuumadda hadda xafiiska banneysay. Xukuumadaasi tikidhka ay doorashada ku soo gashay wuxuu ahaa inay dalka ku soo rogi doonto isbedel laakinse jidkii isbedelka wey ka weecatay ayadoo ummadda ku hoggaamisay jidkii qaran-jabka iyo musuqamaasaqa.
Sannadka 2000 shirka Carte, Djibouti kuwa geeyay habka ma-dhaleyska noqday ee 4.5 ma ahayn kuwo si cilmi ah u darsay waxa samaan iyo xumaan ka imaan karay habkaas. Waxay ku gaabsadeen habkani ma ahin xaq ee waa xal.
Ma awoodin inay difaacaan mashruucaas oo wuxuu ku dhisna laab-la-kac iyo anaga soo dagaalannay taasoo aan ahayn miqyaas wax lagu miisaamo. Habkan silloon ee 4.5 ama dheh 5 waxaa aad ugu badan is-burintiisa waayo ma laha meel xad ah awood qaybsiga uu ku siman yahay. Awood qaybsiga ma beelaha 5 intee xad ah uu ku simman yahay. Tusaale: Ma wuxuu u dhexeeya min RW, Wasiiro, Wasiir-ku-igeen, Wasiiru-Dowle, Agaasime Guud ilaa adeegeay.
Ma jira meel uu ku siman yahay marka laga soo taago jagooyinka sarsare ee xukuumadda. Shaqaalaha wada maamulka "government machinery" ma waxaa lagu qaybsanaya 45. 5 tiiyo beel kasto gudaheeda mise jufooyinka hoose kuwa ka sii hooseeyo oo reeruhu u kala baxaan.
Waxaa su'aashaas iga keenay. Waxaan arkay Xil-ma-kase ku faanaya "waxaan jufadeyda u keenay todobo agaasime iyo hal La-Taliye safaaro.
Barlamaanka cusub iyo Maamulka ee la doortay waa in qaladkan lagu galay magaca dawladnimo la saxo bacdama loo socdo hadduu Alle Idmo habka doorashada Hal Qof Hal Cod sannadku markuu yahay 2020.
DHOWRISTA DEEGAANKA
Ilaa muddo dheer oo ka sii horeysay xoriyadda, waxaa dalka meelo ka mid ah ka dhici jiray abaaro laakinse ka yasiran kuwa waqtiyadan dambe dalka aafeeyay. Mar walba marka ka dambeysa waxaa isa soo tarayay xaalufinta deegaanka gaar ah jarista geedaha dhulka loo baneynayo mashariicda dhismaha, daaqsinka xad-dhaafka ee xoolaha, seeroyinka dadku kala xirteen iwm.
Xaaladaas waxaa uga sii daray degaan-gadoonka ay la imaaneyso cimilada sii kululaaneyso ee adduunka waxaa loo yaqaan "global-warming" iyo sida ay saameyn xoogan ugu yeelanayo hoos u dhaca roobabyowga iyo cadaadiska dabeylaha waxa loo yaqaan El Nino oo ah heer-kulka badaha oo sii kululaanaya.
Dhamaan tallaaboyinka waxay dalka iyo dadka dhaxalsiiyeen in dhulku nabaadguur ku dhaco roobkuna ku yaraado gaar ahaan meelaha dhirta iyo geedaha sida xad dhaafka ah lagaga jaray.
NATIONAL ENVIORNMENTAL TASK FORCE
Waa in la abuuro koox Cilmi-Barayaal ah oo ku xeel-dheer arrimaha ilaalinta deegaanka si dalka loo ilaaliyo nabaadguur keena xaaluf iyo abaaro soo noqnoqda. Koodaas waa inay ka fekeraan sidii xukuumada ay ugu diyaargaroobi lahayd keydinta cuntada (Food Security) iyo calafka xoolaha. Hawshaas waxa xukuumadu la kaashan karta Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista deegaanka ee UNEP oo fadhigeedu yahay Nairobi, Kenya.
SIYAASADDA DIBEDDA
Mudane Madaxweynaha-la-doortow waa in adiga iyo kooxda iyo khubarada kula shaqeysay aad gudaha Wasaarada Arrimaha Dibedda ka abuurtaan koox shaqo oo heer qaran ah oo dib u eegta siyaasadda dibedda Soomaaliya "National Task Force on re-drawing Somalia's new Foreign policy" oo daraasa cilmi ku dhisan ka soo sammeysa siyaasadda cusub ee dibedda ay Soomaaliya kula tacaamuleyso wadamada caalamka si gaar ah weliba wadamada deriska sida Ethiopia iyo Kenya.
Ummadaha ku nool Geeska Afrika waa ka daalin agaal kaasoo soo socday qarniyaal. Waxay dagaaladaas soo kordhiyeen ma jiro oo aan ka ahayn geeri, dib-u-dhac iyo burbur meel walbo taabtay. Ma suuroobi karto in ummadaha ku dhaqan Geeska Afrika inay ku qufulnaadaan god mugdi ah oo ay ka socdaan dagaallo joogto noqday.
Tallabadan cusub waa in marka hore si weyn loogu macneeyo oo loogu fasiro si ummadda Soomaalida ay taageero buuxdo u siiso fekerkaas.
Halkaasi waa meesha ugu daran ee dalkeenu ka kici la'yahay oo lagaga dhagan yahay ayadoo Soomaaliya lagu hayo faragelin qaawan oo toos ah oo leh faragelin militari, siyaaso, dhaqaale iyo bulsho. Sida la og yahay faragelinta la isugu bahaystay Somaliya waxay ku timi mowqifka ay Soomaaliya ay ka taagan tahay dalalka iyo dadyowga ka maqan oo ku hoos nool maamullada Addis Ababa iyo Nairobi.
Heshiiska la rabo in doodaas laga gaaro iyo amuuraha ku lug leh dhamaan waxaa laga raba inay miiska keento dawladda Madaxweynaha-la-doortay Mohamed Abdullahi Mohamed.
Siyaasada gudaha iyo tan dibedda midna kaligeed ma tis qaadi karto oo waa hawl isku xiran oo sina aan loo kala furi karin waana tan sababtay in dalku gaari kari waayo horumar la taaban karo dhan kasto waayow wax kastoo dalka lagu dhisi lahaa waxaa cunay dhaqaalaha ku baxay dagaalada ay Soomaaliya la gashay wadamada deriska waxaana taa u sii raacay dagaalada qabaliga ee markii dambe ka dillaacay gudaha dalka. Waxaa halis sii galeysa qarannimada iyo madaxbanaanida dalka sida dalka godkaas looga samata bixinn karo waa ayadoo ummadda Soomaalida ay la timaado tallaabo geesinimo leh oo la jaanqaadi kara xaaladaha ilbaxnimada ku dhisan ee maanta lagaga dhaqmo caalamka hore u maray.
Aragtida noocan inay hagaagto waxay ku imaan karta, sida ay aniga ila tahay, ayadoo maamulka cusub soo celiyo kalsoonida iyo walaanimada ka dhaxaysay ummadda Soomaalida oo rubuc qarni ka badan luntay oo kala irdhowday taasina waxay nugeyl ku keentay halisna gelisay qarannimada iyo madaxbanaanida dalka.
Hawshaas waxay aasaas u noqoneysa turxaan bixinta cuqdada Soomaaliya kala dhaxayso wadamada deriska gaar ahaa Ethiopia iyo Kenya oo imminka loo baahan yahay in qaab cusub loo jeexo oo ku dhisan is-xurmeyn si siman (mutual respect), nabad-ku-wada-noolaansho (peaceful co-existence), deris wanaag (good neighborliness) iyo faragelin la'aan siyaasadaha gudaha wadamada and (non-interference of internal affairs) iyo ku-xad-gudbid la'aanta dhamaan dhulka/degaanka, non-violability of territorial integrity iyo is-faham ka dhexeeya dalalka (Reciprocal comprehension .
Wixii gurxuf ah ee jira waa in lagu dhameeyo wada hadal daacad laga wada yahay lagana fogaado wixii keeni kara shaqaaqo iyo gacan-ka-hadal dhiig ku daato mar kale. Waa in xasaradaha la damiyo oo biyo lagu shubo meel kastoo ay ka jiraan.
Maamulka cusubi ee Madaxweyne Mohamed Abdullahi waa inuu soo amaamudo aragti ku dhisan cilmi iyo ilbaxnimo oo la jaanqaadi karta waayaha cusub ee soo if-baxay qarnigan 21aad madaama hadda adduunka sii noqonayo Tuulo Weyn "Global Village" oo horumar weyn aadunuhu ku tallaabsaday.
Maamulka cusub waxaa laga sugaya inuu hawsha u igmado rag aqoon sare leh iyo dibloomaasiyiin gaamuray "career diplomats" ah oo si wacan u haaneedin kara farsamo cusub, feker cusub iyo aragti cusub oo lagula tacaamulayo wadamada deriska, kuwa IGAD, gebi ahaan wadamada Afrika iyo wadamada kale ee addunka hore u maray. Waa inaan si weyn ula dagaalano saboolnimada baahsan ee eekeysay Qaarada Afrika guud ahaan iyo dalkeena gaar ahaan. Ummaddu kuma sii jiri karto col iyo abaar joogto noqday.
Talooyinka aan kor ku soo sheegay waxaan qiyaasi kara in ka miro-dhalinteeda aaney sahlayn laakinse haddii aan gacmaha is qabsano waxay soo dedejin karaysa hirgelinta dhismaha dalka guud ahaan iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho hal qof iyo hal cod hadduu Alle Idmo 2020.
Shacabka Soomaaliya waa inay hawshaas baaxad leh ay gacan buuxda ka geystaan oo ay uga qayb galaan maal, muruq iyo maskax wixii uu Eebe ku manneystay. Dawladda meelna ma gaari karto haddii uusan shacabka gacan siineynin waxaa dhici karta in ay dawladdu aaney khasnadda dawladda ka heleynin hal dollar.
"SANNADKAN 2017 WAA SANNADII GO'AAN QAADASHADA" ayadoo shacabka Soomaalida ay dawladda ka dhadhicineyso halka dalka geediga loogu lalalabay.
Madaxweynaha-la-doortay waxaan kuu rajeynaya GUUL IYO GACAL."
No comments:
Post a Comment