Saturday, February 11, 2017

AFKUDHIIGLE


DADKA YURUB IYO MAREYKAN JOOGA HA JOOJIYEEN ISKU DIRKA QABAAILKA

Adduunyadu dalal badan baa go`aan ka gaaray dadka ku qora bogagga baraha bulshada waxyaabaha ka dhanka ah nolosha bani`aadamka oo keeni kara dagaal bulshada dhexdeeda ah amaba xasuuq.

Sharciyada adduunyadu ka dhigatayna waxaaba ka mid ah in la gayn karo maxkamadda caalamaiga ah haddii ay ku caddaato inuu sabab u noqday waxyaabo isku dir ah ee uu isagu maleegay. Haddaba madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya iyo xukuumadda la soo dhisi doono waxaan ka codsanayaa inaan arrintaas loo daymo la`aanin, lagana soo saaro sharciyo adag dadka ku sifoobay iney ummadda kala geeyaan iyagoo isku diraya qabaailka Soomaaliyeed oo aad moodeysid iney ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii ay hore isug gaysteen.

 Dadka qaarkii ee hoos gelaya magaca saxaafadda oo waxyaabahaasi isku dirka ah ka dhigaya xorriyadda hadalka, oo aan ognahay ineyan waxba ka aqoonin sharciyada saxaafadda oo run ahaantii aan dhihi karno meel bay uga dhacaan saxaafadda iyaguna waxaan u sheegi lahaa iney arrimaha qaarkood, welibana u badan isku dirka iney ka waantoobaan.

Kuwa waddamada kale qaxootiga ku ahaa ee ku naaxay raaxada iyo cayrta ay qaataan, islamarkaasna iyagoo iska dhigaya dad ilbax ah, wararka, cayda iyo isku dirkana ka wada iyagoo waddanka ka fog, dhibaatada ummaddana dhibaato kale ugu daraya ha ogaadeen in lala tiigsan karo dacwad iyo maxkamado, taasoo keeni doonta xarig iyo in dib loogu celiyo halkii ay ka yimaaddeen, waan wax aad u fudud haddii ayan faraha ka laaban waxyaabaha anshaxa, ilbaxnimada, bani`aadamnimada ka fog una badan isku dirka qabaailka Soomaaliyeed. Yaaney ku fekerin inaan waxba laga qaadi karin oo ay joogaan waddamo xor loo yahay in sidii la rabo loo hadlo, dambigii la rabana ka gala ummadda Soomaaliyeed.

 Waa iga talo, dadka Yurub iyo Mareykan joogaa ha joojiyeen isku dirka qabaailka, hana ogaadeen ineyan ku badbaxayn iney ku raaxaystaan Yurub iyo Mareykan dadkii dhibbaanaana la dul taagan gaas iyo kibriid.

FADLAN  SHARE DHEH SI LOO WADA ARKO

No comments:

Post a Comment