Saturday, February 25, 2017

ISKA ILAALI DAREENKA KU DHISAN CAADIFADA!

W.Q. Cabdulqaadir M. Walaayo
Suxufi Walaayo
Dalka Soomaaliya xaaladaha ka jira waa kuwo aad u murugsan ayadoo ay ku gudban yihiin mashakilo mid walba midka kale ka ss daran tahay kuwaas oo soo dhismayay muddo ku dhow 30 sano.
Wixii ka dambeeyay maamulkii xukunka laga riday 1991 waxaa dadka Soomaalida u suuroobi weysay inay dhisaan hanaan dawladnimo oo dalka ku hoggaamiya wadada saxda ah ee qarannimada oo dalka lagu houmari karo oo si kastaba uga duwan nidaamka ay dadku ka dhiidhiyeen iyo kuwii kale ee ka dambeeyay ee dadku saluugeen hannaankooda hoggaaminta.
Waxaan wada ogsoonahay in gobollo qaar ay sheegteen inay gebi ahaanba dalka ka go'een halka kuwo kalena ay sameysteen nidaamyo kale oo ay ku magaceebo maamul goboleed.
Xaajadu waxay sii murugtay markii la abuuray maamul gobolleedyo lagu sheegay inay ka mid yihiin nidaamka Federaalka oo shacabka Soomaaliyeed uusan nidaamkaas dooran bacdamaa aan loo qaadin afti dadweyne.
Waxaa ummadda loogu yeeray inay galaan doorasho dadban oo u nugul musuquq iyo is-dabamarin laakinse waxaa ka soo baxay barlaamaan ka kooban laba aqal - Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare. Ilaa hadda ma cada oo shacabka looma fasirin waajibka ay kala leeyihiin iyo xiriirka ka dhaxaya labada aqal. Taa waxaa ka sii daran nidaamka Federaalka oo ilaa hadda uu shacabku uusan ogayn nooca uu yahay iyo macnahiisa.
Araarta hore waxaan gogol-xaar uga dhigay in dadka wax ku qora madasha kala duwan ee bulshada madaniga (different social media outlets) in aaney hor-dhicin maamulka cusub ee ay hoggaamiyaan Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Maxamed iyo Ra'isal Wasaraha cusub, Mudane Xassan Cali Kheyre.
Ra'isal Wasaraha cusub waa kii ugu dambeeyay ee soo mara dalka
ilaa muddada dalka burburka uu ku jiray. Waxa shacabka Soomaalida oo aragaas leh ku qiimeyn doonaan barnaamijka uu dalka ku hogaamin doono dalka muddada 4 sano ee soo socota ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo nabadgelyada isagoo barnaamijkaas aasaas uga dhigi doono hal-ku-dhagga Madaxweynaha cusub ee danta, dadka iyo dalka iyo diinta.
Ra'isal Wasaraha cusub Mudane Hassan Ali Kheyre waxay ummadda Soomaalida uga fadhida inuu golihiisa Wasaarada u soo safo koox ay raali ka noqon karaan shacabka Soomaalida oo ka nadiif ah qabiyaala iyo musuq isla markaana shacabka Soomaalida ka daweyn kara dhaawac aan muuqan ee ka gaaray nafta iyo maskaxda oo ku beeray saska (trauma) ay muddada dheer ummaddu la il daranayd.
Xukuumada cusub ee la soo dhisi doono waxaa laga raba inay ummadda u soo celiso kalsoonida luntay ee ummadda u keentay qalbi-jabka iyo qaran-jabka. Waa in xukuumaddu ay qabato shirweyne waanwaan qaran ee dib-u-heshiin dhab ah oo lagu qabto dalka gudihiisa.
Waa in xukuumada la magacaabi doono uu abuurto jawi u saamaxaya dadka dibedaha u qaxay inay si nabad ah dalka ugu soo noqondaan si ay dhismaha dalka si macnawi ah iyo si maadi ah labadaba.
SIYAASADDA DIBEDDA
Xukuumadda cusub waa inay la timaado barnaamij waaqaca ku dhisan ee si qoto dheer u tilmaamaya siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumadda ay kula dhaqmeyso adduunka si gaar ah weliba wadamada deriska.
Muddo ku dhow 30 sano in dalku ku jiro dhibaato waxaa sabab u ahaa siyaaso xumo ka timi dagaal-ogaayaashi dalka af duubka ku heystay iyo xukuumadihii soo maray waqtiga burburka ee aan soo saarin siyaaso ka gadmi karta gudaha dalka iyo dalalka dibedda gaar ahaan wadamada deriska.
Waxaa la garwaaqsan yahay in wadamada deriska ay naga dhexeeyaan dano dal iyo dadba leh. Ayadoo xaaladdu ay sidaas tahay ayaa hadda waxaa la raba in arrimaha na dhex yaal annaga iyo deriska in qaab kale oo cusub oo ka duwan kii hore loona wajaho sifo la isku aamin karo ayadoo wax kastoo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo waanwaan.
(The designate-Prime Minister and his government should work out a two-pronged comprehensive reconciliation package at national level and Somalia's neighbors as well in order to put an end the century old animosity between Somalia, Ethiopia and Kenya. The move will usher a new dawn for the people of greater Horn of Africa).
Waa in xukuumaddu ay diyaarinta iyo fulinta hawshaas u igmato diblomaasiyiin iyo siyaasiyiin gaamurtay oo garan karta halka ay dunida geediga u tahay qarniga 21aad.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo Ra'isal Wasaare Hassan Cali Kheyre bal aan siino waqti ku filan oo ay ka soo baaraandegaan xallinta dhibta noocyada badan ee dalka iyo dadkaba saameysay.
AAN ISKA ILAALIN DAREENKA KU DHISAN CAADIFADA! Waxaan gaarnay waqtigi iskaashiga, shaqada iyo horumarinta.

No comments:

Post a Comment