Sunday, February 26, 2017

FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA!

W.Q. Cabdulqaadir M. Walaayo

Suxufi Walaayo

Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka, Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed waa tallaabo fiican oo aad hore u qaaday markii aad magacwday, Ra'isal Wasare Hassan Ali Kheyre. Waxaan idiinku duceynaya inaad ku guuleystaan xilka ummaddu labadiina idinku aamintay.
Mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinaya in Ra'isal Wasaraha aan keligii kalsooni Barlamaanka loo weydiinin. Ra'isal Wasaraha waxaa laga raba inuu Barlamaanka hor geeyo kana hor aqriyo barnaamij kaamil ah ee taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo nabadgelyada.
Dhinaca kale labada aqal ee Barlmaanka waa inay midmid u qortaan dhamaan qodobada uu RW hor keeni doono. Markii Xildhibaanadu ay dhuuxaan khudbada iyo barnaamijka uu rabo inuu hirgeliyo RW, waa inay su'aalo ka weydiiyaan wixii ay uga baahdaan oo faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah. Qoraal ku saabsan khudbada Ra'sal Wasaraha waa in loo qaybiyo xildhibaanada si ay u darsaan nuxurka ay khudbaddu xambaarsan tahay.
Haddii RW oo aan boorsada ku sidan barnaamijka uu dalka ku hoggamin doono ay Barlmaanku ay shaqsiyan keligiis ansixiyaan, hadhow Xildhibaanada waxaa ku adkaneysaan inay diidaan barnaamijka oo dib lagaga keeno. Shaqsiya la ansixiyo micno badan ma sammeyneyso laakinse waxaa shaqsiyada lagu dooran karaa maxaa barnaamij ah oo macquul ah oo dalka lagu samata-bixin karo.
DHAQANKA SIDUU AHAAN JIRAY.
Alle ha u naxariisto, Mudane Abdirizaak Haji Hussein oo ka mid ahaa Ra'isal Wasaarayashi dalka soo maray 60yadii ayaa Barlamaanka berigaas wuxuu hor geeyay barnaamijka xukuumadiisa asagoo muddo 6 saac ka badan faahfaahin iyo fasiiraad bixinayay oo weliba idaacadda toos lagaga sii deynayay isla markaana samacadaha dibedda ee Barlmaanka ay dadweynuhu ka dhageysanayeen ayagoo tubna oo buux-dhaafshay barxadda loo yaqaan "Piazza della Solidarieta' Africana" oo Barmaanka hortiisa ku taal.
Ugu dambeynta RW Abdirazak Haji Hussein wuxuu barlamaanka ka codsaday inay siiyaan kalsooniadooda buuxda. Ha yeeshe Xildhibaanadu waxay diideen inay kalsooni siiyaan sidaas dareedna uu la noqdo barnaamijkiisa.
Alle ha u naxariisto berigaas waxaa dalka Madaxweyne ka ahaa Mudane Aden Abdulle Osman oo xilkaas RW Abdirizak u magacaabay ayaa haddane Madaxweyne Aden mar kale ku celiay jagada Mudane Abdirizak. Markaan dambe Barlamaanka ayaa kalsoonida siiyay Ra'isal Wasaraha.
Marxuum Abdirazak Haji Hussein wuxuu dalka RW ka ahaa min 14th June 1964 ilaa 15th July 1967. Waxaa RW uu ku caan baxay markii uu boorka ka jafay maamulkii dawladda isagoo xaaqay dadki lagu yiqiinay musuqa. Wuxuu shaqada ka eray shaqaale badan oo ray'id ah oo ku eedeysanaya musumaasaq. Waagaas waxaa loo yaqaan maalmihii "Busto Rossa" oo macnaheedu yahay qofka waxaa u soo dhici jirtay boqasha casaan/guduud ah oo ay ku jirto waraaq shaqada looga fadhiisinayo.
Wuxuu abuuray maamul ku dhisan karti iyo hufnaan - karti wax qabasho oo ay lahaadaan dadka maamulka udub-dhexaadka u ah iyo hufnaan ay ka hufan musuqmaasaq iyo is-dabamarin.
AHUN Marxuum Aden Abdulle Osman oo dadka yaqaan ay ku sheegeen inuu ahaa nin ku adadag maba'diida uu aaminsana waxaa laga haya oraah taariikhda gashay berigaas taasoo dad badan oo muwadiinta Soomaalida ka mid ah ay ka fajicisay oo ilaa maant la gu xusuusto.
Oraahdu waxay ahayd sidan: "Haddii aan xitaa idiin soo magacaabo *Habar Iisho* waa dooraneysaan". Barlmaankow kalsoondi siiya RW Abdirizak Haji Hussein. .
**Habar Iisho waxay ahayd islaan caan ka ahayd wadooyinka faras-magaalka Muqdisho. Waxay ka mid ahayd dadka ku dayacan wadooyinka gaar ahaan ciyaalka loo yaqaan "Parking boys/girls"
Mudane Madaxweyne Mohamed Abdullahi Mohamed waxaan kaa codsanaya inaad raacdo dhaqaanka oo aadan barlamaanka hor keenin shaqsi meesha ka muuqda laakinse aan la ogeyn qaabka uu dalka ku wadi doono muddada 4 sano ah ee soo socota oo ummaddu ay fileyso inay u dareeraan goobaha cod bixinta ayagoo sanduuq qarsoodi ah ku ridaya codkooda oo si xor ah u dooran doonaa shaqsiga ay iyagu rabaan.
Ra'isal Wasaraha, Mudane Hassan Ali Kheyre waa inuu barlamaanka hor geeyo barnaamijkiisa shaqada oo kaamil ah.

No comments:

Post a Comment