Friday, February 10, 2017

                 AR FARMAAJO II GEEYA



Magaciisu waa Maxamed Cabdullaahi Cosmaan (Daanyeero), waa nin muuqaalkiisu iyo magaciisuba la maqlay habeenkii guusha Farmaajo. Cabdullaahi oo farxad darteed u soo baxay inuu taageero Madaxaweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Isagoo hor ordaya dhallinyaro reer Jawhar ah oo ka qaybqaadnayay bannaanbaxa iyo dabbaaldegga guushaas ayuu Cabdullaahi ku dhawaaqayay" AR II GEERYA FARMAAJO II GEEYA". Erayadaas waxay noqdee kuwo markiiba qaatay oo ku fafay baraha bulshada iyo TVyada qaarkood.

Cabdullaahi  wuxuu ka mid yahay dad barakacayaal ah oo ka yimd dhulka beerha ee Jawhar, wuxuuna aad u jecelyahay iney kullmaan isaga iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si uu ugu sheegto cabashadiisa iyo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.

No comments:

Post a Comment